welcomme

Nolosha Aduunyada Waxay Lamid Tahay SUPERMARKET Aad Soo Gashay

Posted in
هناك تعليق واحد:
Nolosha Aduunyada Waxay Lamid Tahay SUPERMARKET Aad Soo Gashay Wax Walbana Ka Qaadatay Lakin Ogow illinka Ayaa Laguu Fadhiyaa Wax Walbo Oo Aad Soo Qaadatay Waa Lagaa Xisaabinayaa Waadna Bixinaysaa 
=====================
Adduunyadaan Ku Noolow Wax Walbana Samee Aakharo Ayaa Laguugu Sugayaa Waana Lagu Xisaabin Doonaa,''
Read More »

Qiso cajiib ah oo qiimo badan wax ku qaadashana mudan fadlan akhriso

Posted in
ليست هناك تعليقات:


                          Qiso cajiib ah  



Malin malmaha ka mida ayaa nabi sulayman cs uu aaday aroos qaraabada ah si uu usoo booqdo isago jidka sii haya
Ayaa waxa ka horyimi malkul mowt wuxuna sualay meesha uu u socdo? wuxuna nabi sulayman ku jawabay waxan u socda aroos qaraabda ah markasu ku yidhi ma waxad u socota arooska aan nafta ka soo jarayo ee la i amaray in aan soo gabgabeeyo nabi sulayman aad ayuu u naxay wuun istaagay wuxu is waydiiyay ma meel laga faraxa sanaa oo murug isu badalsa ayaad aadasa wuxuna go aansaday in uu iska nagaado wuuna nagaaday subixi marki waagi baryay ayuu reerki booqday nabi sulyman cw wuxuna la kulmay abihi wiilka arooska ah wuxuna abihi sual ? Waydiiyay nabi sulayman sababta uu xalay uga nagaaday arooaki inta usan ka jawaabin suaashas aya waxa u yimi malkul mowt wuxuna waydiyay wixi dhacay wuxuna malkul mowtki ku jawabay ilahay swt aya i amray inan soo laabto taasna waxa sabab u aha in islaan maskiin ah oo reerka duleedkeeda joogtay uu wiilka arooska ah abihii uu si wanaaagsan u sooryeyay oo ka farxiya isla markaana ay is laanti ilhay uga bariday in arooska ilahy cimiri dheeer iyo nabad qab yeelo taaso ilahay aqbalay ducadi miskiinta reerkina ka baashiyay masiibi daran taasi waaxay cadaynsa ina ilahy yidhi isu naxriista ana waan idiin naxariisan
Wallal haday ku anfacday faafi si aynu ugu gargari maskinta
Read More »
Posted in
ليست هناك تعليقات:

Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.
Add caption


Waxay ku billowday sheekada:

….Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,

Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn 
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.
Read More »
Posted in
هناك تعليق واحد:

Read More »

About the Author

kusoo dhawoow webka sheikh said rageha

© 2013 Sheikh said Rageah . Designed by Bloggertheme9
Proudly Powered by Blogger.